Yoolkayga: 90 Maalmood, $2,000 – Maalinta 1aad!

Yoolkayga: 90 Maalmood, $2,000 Maalinta 1aad!

Mararka qaar, waxay noloshu kaa rabtaa go’aan adag iyo qorshe cad. Maanta waxaan bilaabayaa safar cusub — 90 maalmood gudahood waxaan sameeynayaa $2,000 anigoo isticmaalaya xirfaddeyda website sameynta. Ma ahan kaliya lacag raadis, waa tijaabo nafeed, kobcin xirfadeed, iyo riyo ganacsi oo dhab ah.

Waxaan aaminsanahay in haddii aad leedahay xirfad, qorshe iyo yool muuqda, wax walba ay suurtagal yihiin. Waxaan diyaariyey qorshe cad oo aan si tartiib tartiib ah u fulin doono:

  • Inaan si joogto ah u kasbado macaamiil cusub
  • Inaan sameeyo bogag tayo leh oo la jaanqaadaya baahida ganacsiyada casriga ah
  • Iyo ugu dambeyn, inaan qof walba tuso in xirfadahaaga aad ka dhigan karto il dakhli oo joogto ah

Hadafkani waa mid si dhab ah ii dhiirrigelinaya. Waxaana rajeeynayaa in safarkeyga uu dhiirrigelin doono qof kale oo isaguna raba inuu dhaqaaqo.

Diyaar Ma Tahay Inaad Adiguna Hadaf Yeelato?

Waxaan kuu diyaariyay warqad hadaf dajin ah oo diyaar u ah in ay kuu fududeeyso qorsheynta yoolalkaaga. Waa warqad kuu sahlaysa inaad si cad u qorto hadafkaaga, talaabooyinka aad qaadi doonto, iyo waqtiga aad ku fulinayso.

Halkaan kala Dag : 👇

Subscription Form
Related Posts
Leave a Reply

Your email address will not be published.Required fields are marked *